
Maamul Wanaag
Podcast by Somali Public Agenda
Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
Limited Offer
3 months for 9,00 kr.
Then 99,00 kr. / monthCancel anytime.
All episodes
51 episodes
Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u billowday sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Wakhtiga harayna waxa ay u muuqdaan in ay adag tahay in lagu dhameeyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. Qeybtan 51-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Amb Ahmed Isse Awad oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa isla gorfeynaya xaaladda siyaasadda dalka. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda [https://twitter.com/somalipubagenda] and @MahadWasuge [https://twitter.com/MahadWasuge] (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org [podcasts@somalipublicagenda.org] Thanks for listening!

Dadaallo la xiriira arrimaha deegaanka ayaa ka socdoPuntland. Sidoo kale, dowlad-goboleedka ayaa dagaal kula jirta ISIS. Dhanka kale, xiriirka dowladda federaalka & Puntland ayaa hakad ku jiray muddo ka badan labo sano. Qeybtan 50-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Agaasimaha Somali Public Agenda Mahad Waasuge iyo Wasiirka Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimillada ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku falanqeynaya arrimaha deegaanka Puntland, dagaalka ka dhanka ah ISIS, & asalka khilaafka dowladda federaalka & Puntland iyo sida loo xallin karo. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda [https://twitter.com/somalipubagenda] and @MahadWasuge [https://twitter.com/MahadWasuge] (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org [podcasts@somalipublicagenda.org] Thanks for listening!

12-kii December 2024, dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dalka Turkiga ku wada saxiixday heshiis loogu magacdaray Baaqa Ankara. Baaqa waxaa saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya & Raysal Wasaaraha Itoobiya waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Turkiye. Heshiiskan waxaa ku jirtay in wadaxaajood farsamo la bilaabi doono bisha February 2025, laguna soo gabagabeeyo muddo 4 bilood ah. Qeybtan 49-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Agaasimaha Fulinta ee Somali Pubic Agenda, Mahad Waasuge, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xil. Cali Cumar “Balcad”, oo hormuud u ah guddiga farsamo ee wadaxaajoodka, ayaa ku gofeynaya howlaha socda iyo halka ay ku dhammaan karaan. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda [https://twitter.com/somalipubagenda] and @MahadWasuge [https://twitter.com/MahadWasuge] (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org [podcasts@somalipublicagenda.org] Thanks for listening!

12-kii April, raysalwasaaraha dalka, Xamse Cabdi Barre ayaa safar dhowr maalmood qaatay ku tagay magaalada Laascaanood oo ah xarunta SSC Khaatumo. Waxa uu ahaa masuulkii ugu sarreeyay ee Jamhuuriyadda Saddexaad ee taga magaalada Laascaanood. Muddadii uu joogay raysalwasaaruhu waxa uu daahfuray mashaariic, isaga oo ku casuumay hoggaamiyaha SSC Khaatumo shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxa uuna ku dhawaaqay in ay dowladda federaalka u aqoonsatay SSC Khaatumo dowlad-goboleed. Qeybtan 48-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Agaasimaha Fulinta ee Somali Public Agenda, Mahad Waasuge, iyo Professor Cabdikariin Xasan Jaamac oo ah Hormuudka Jaamacadda City iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta, ayaa isla gorfeynaya safarkii raysalwasaaraha ee Laascaanood, aqoonsiga dowlad-goboleed, iyo waxa ay uga dhigan tahay SSC Khaatumo. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda [https://twitter.com/somalipubagenda] and @MahadWasuge [https://twitter.com/MahadWasuge] (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org [podcasts@somalipublicagenda.org] Thanks for listening!

Hirgelinta nidaamka federaalka Soomaaliya weli lama dhameystirin. Inkastoo la dhisay dhowr dowlad-goboleed muddadii u dhexeysay 2013 iyo 2016, haddana ka shaqeysiinta nidaamka federaalka waxa uu ku jiraa marxalad bilow ah. Arrimaha aanan weli caddeyn oo marxalad heshiis siyaasadeed maraya waxaa kamid ah daadejinta awoodaha fulinta, federaaleynta maaliyadda, nidaamka garsoorka, iyo maqaamka Muqdisho. Qeybtan 47-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr Ali Isse oo ah Agaasimaha Horn Economic and Social Policy Institute (HESPI), sidoo kalena khabiir ku ah arrimaha dhaqaalaha, ayaa ku gorfeynaya qaab-dhsmeedka nidaamka federaalka & federaaleynta maaliyadda Soomaaliya Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda [https://twitter.com/somalipubagenda] and @MahadWasuge [https://twitter.com/MahadWasuge] (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org [podcasts@somalipublicagenda.org] Thanks for listening!
Limited Offer
3 months for 9,00 kr.
Then 99,00 kr. / monthCancel anytime.
Exclusive podcasts
Ad free
Non-Podimo podcasts
Audiobooks
20 hours / month