
Feker Xora
Podcast von Abdiqani Abdillahi Aden
Nimm diesen Podcast mit

Mehr als 1 Million Hörer*innen
Du wirst Podimo lieben und damit bist du nicht allein
Mit 4,7 Sternen im App Store bewertet
Alle Folgen
6 Folgen
Waxa marti inoogu ah toddobaadkan barnaamijka Dr. Saadiq Enow. Digtoorku waxa uu aragtidiisa falanqayn kooban ku samayn doonaa jawaabta su'aasha ah: aqoonyahanka soomaaliyeed kaalintiisii bulsho ma gutay mise?

Episode-kan waxa noo gu marti ah Dr. Maxamuud Cali Geeldoon oo inoo ga warramaya doorka Aqoonyahanka iyo bulshada. Waxa uu ka hadlayaa sida aqoonyahanka soomaaliyeed halkii ay ka hoggaamin lahaayeen bulshada iyagii odayaal qabiil iyo shakhsiyaad macne liitaa u hoggaamiyeen. Gebogabada waxa uu dhalinyarada soomaaliyeed u soo jeedinayaa talooyin ay tahay in ay guntadaan si bulshada loo samatabixin lahaa.

Waxa inoo gu casuumman xalqaddan 4aad Garyaqaan Guuleed Dafac. Waxa aannu ka ga hadlaynaa qaabka uu u dhisan yahay Booliiska Soomaaliland iyo galdaloolooyinka jira. Sidoo kale dibuhabaynta Booliisku u baahan yahay iyo qaabdhismeedka booliis ee dal dimuquraaddi ah inuu yeesho ay tahay baanu isla eegaynaa. Waxa uu Guuleed ka ga hadlayaa sababaha loo hortaagan yahay dibuhabayn la gu sameeyo booliiska.

Qoraa Faarax Maxamuud oo ku caan ah Sheeko-Xariiro oo noogu casuuman episode-kan waxa uu si guud u ga hadlayaa qoraalka iyo qoraaga iyo doorka qoraagu ku lee yahay bulshada.

Episode-kan waxa uu Dr. Maxamuud Cali Geeldoon ku falanqaynayaa bulshooyinka reer guuraaga ah iyo Dawladnimada.